Ku dhawaad 16 dal oo ka qeybgalaya shirka ururka iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya Muqdisho

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeybgalayaan dhowr wadan ayaa lagu wadaa in goor dhow oo maanta ah uu ka furmo Magaaladda Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan ku dhawaad 16 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka.

Ergada shirka ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray saakay ilaa shalay, waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Soomaaliya, waxaana lagu go’aansaday qabsoomida shirkan kulankii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh, Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Hadalsame Media