Dagaal ka dhacay Magaaladda Kismaayo (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Ugu yaraan 4 ruux oo nin Odey caan ah uu ka mid ahaa ayaa ku geeriyootay tiro inttaas ka badana waxaa soo gaaray dhaawacyo kadib dagaal culus oo ka qarxay Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta galinkii dambe.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Maamulka Jubbaland ayaa ka dhacay xaafadda Dalcadda ee gudaha Magaaladda lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi.

Dhinacyada dagaalamay ayaa la sheegayaa inay isku adeegsadeen hub culus kaasoo qalqal galiyay guud ahaan dadweynaha Magaaladda Kismaayo.

Afar ruux oo uu ku jiro nabadoon caan ka ah Kismaayo ayaa ku geeriyooday dagaalka.

Maamulka Jubbaland wali kama hadlin dagaalkan hase ahaatee waxaa uu ku beegmayaa  iyadoo masuuliyiinta Jubbaland soo saareen awaamir lagu mamnuucayo hubka sharci darada ah ee lagu dhex sito gudaha Magaaladda Kismaayo.

Hadalsame Media