DAAWO: Marwada Madaxwaynaha Suuriya oo uu haleelay cudurka kansarka & muuqaal laga helay!

0

(Dimishq) 26 Okt 2018 – Xaaska Bashar Assad ee Asma ayaa sawirradu qabteen iyadoo qof haweenay ah kula hadlaysa Isbitaal lagu daweeyo dadka kansarka qaba, oo ay lafteedu dawo usoo doonatay maaddaama ay cudurkaa qabto.

Asma ayaa bishii Agoosto laga helay cudurka kansarka naasaha, waxaana la arkayay iyadoo xiran masar casuus xigeen ah una muuqata inay timeheedii ku wayday dawada Chemotherapy-ga ee ay qaadanayso, waxayna la sheekaysanaysay bukaanno kale iyo shaqaalaha isbitaalka.

Asma oo cudurka laga helay xilli uu ku jiray marxaladdii 1-aad ayaa durba dawayntiisa bilowday, waxaana muuqaalka lasoo dhigay barta madaxwayne Bashaar uu ku leeyahay Twitter-ka.

 

Hadalsame Media