DAAWO: Haweenay middi la dhex jiirtay iskuul kuwa la jiifto ah + Sabab yaab leh (14 carruur ah oo wax ku noqotay)

0

(Chongqing) 26 Okt 2018 – Haweenay ayaa middi kuwa jikada ah la dhex qaadday 14 carruur ah, albaabka laga garo meel boarding ah oo ku taalla magaalada Chongqing, ee koonfur galbeed China.

Weerarka ayaa kusoo aadey jeer ay carruurku fasalladooda ku laabanayeen kaddib jir dhiskii subaxnimo, waxaana markii dambe haweenaydan oo 39 jir ah laguna sheegay magaceeda dambe oo ah Liu qabtay macallimiinta iyo ilaaladii iskuulka boarding-ka ah, sida ay booliisku sheegeen.

Haweenaydan ayaa sheegtay inay ka eed sheeganayso dowladda Shiinaha oo si ”si xun ula dhaqantay” balse lama oga waxa ku qaaday inay weerarto carruur aan waxba ka galabsan. Carruurtii ayaa isbitaallada loola kala cararay, lamana sheegin wax dhimasho ah.


Hadalsame Media