NABAD & NOLOL BAAN RABNAA? Qaxooti kumannaan ah oo doonaya inay lug ku galaan Maraykanka (Ciidamo loo dirayo xuduudda)

0

(Washington, DC) 25 Okt 2018 – Dad ka badan ilaa 7 kun oo kasoo qaxay bartamaha Ameerika, gaar ahaan dalal uu ugu horreeyo dalka Honduras ayaa soo dhoobtay xuduudda, taasoo keentay inay Maraykanku goobtaa u diraan ciidamo suga amaanka xuduudda Mexico.

Wasiirka Gaashaandhiga James Mattis ayaa lagu wadaa inuu saxiixo qorshe ilaa 800 oo askari loogu dirayo xuduudda, sida ay dowladda kasoo koobisey AP.

© Reuters / Ueslei Marcelino
Maraykanka ayaa ah dalka koowaad ee qasa dalalka yar yar ee Bartamaha Ameerika

Warkan ayaa u muuqda mid ka jawaabaya warkii Trump oo dhowr mar ku celceliyay inay ciidamo gaynayaan xuduudda haddii aanay Mexico xakamaynin qaxootigan oo iyagoo boqollaal ah tubbeeynaya.

Hadalsame Media