Itoobiya oo ku biirtay dalalka yar ee Afrika ee Dayax-Gacmeedyada leh + Sawirro

0

(Addis Ababa) 25 Okt 2018 – War ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Addis-ababa ay sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo uu dalkaasi yeesho,sida xaqiijiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya.

Dr Selemon Belay oo isagu ah hoggaanka machadka qaabilsan arrimaha teknooljiyadaha ee dalkaasi Itoobiya ayaa ku tilmaamaya talaabadan sameynta dayax gacmeedkan inuu yahay horumar,islamarkaana uu heer geba gebo ah haatan marayo.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Dayax-gacmeedkan cusub loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka,waxaa sidoo kale ay dowladdu sheegtay in si rasmi ah loo dirayo 2019.

Wuxuu Dayax-gacmeedkan oo hawada sare loogua dirayo gudaha dalka Shiinaha lafilayaa in uu Itoobiya ku soo gaalo muddo kooban oo gaaraysa 4 maalmood gudahooda,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Talaabadan ayaa ka dhigaysa dalka Itoobiya in uu kamid noqdo wadamada AFrika ee Dayax-Gacmeedka Hawada sare u diray, iyadoo ay jiraan wadamo ka horeeyey waxaana kamid ah Dowladaha Masar, Koonfur AFrika, Kenya, Angola,N igeria iyo Ghana waxaana dayaxgacmeedkan la sheegay in awoodiisu ay dhantahay in 54 maalmood uu ku koobon dunida oo dhan halka Itoobiyana uu ku imaankaro oo qura 4 maalmood gudahooda.

Hadalsame Media