4 qodob oo muujinaya sida aysan micne u samaynayn meheradaha la xirayo 12-ka saqda dhexe

0

(Muqdisho) 25 Okt 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe .

“Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”.

Eng. Yarisow ayaa xusay in marnaba aan la aqbali karin xadgubyo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, arrintaas oo ah faldanbiyeed culus cid walba oo ku lug-yeelatana aysan ka fakan doonin Caddaaladda.

“Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”.

MAXAY TANI SOO KORDHINAYSAA?

Arrintan ah in 12 saac la xiro goobaha ganacsiga ayaa u muuqata mid aan yeelanaynin saamaynta loo sababeeynayo go’aankaasi, balse taa caksigeeda natiijo kale keenaysa.

1 – Haddii ujeedku ahaa in aan falfalxumo goobta lagu sameeynin, ma jiraan wax hor istaagaya inuu qofku samayn karo 12-ka habeennimo kahor.

2 – Maadaama ay meeshu magaalo wayn tahay waxaa jiri kara dad badan oo aan xumaan iyo falfalxumo kale u soconnin balse doonaya inay meelahaa iskaga caweeyaan, ka cunteeyaan ama ka cabaan, kuna sheekaystaan, waana wax caadi ah, maaddaama ay dad badan oo dalxiis ah ama muddo gaaban joogayaa ay magaalada yimaadaan.

3 – Waxay hoos u dhigaysaa dakhligii makhaayadaha iyo dukaamada ka shaqaysanayay inay u adeegaan dadkaa habeenkii u baahan waxyaabaha kala duwan ee ay iibiyaan (dabcan wixii xuni kuma jiraan doodda).

4 – Maamulku wuxuu samayn karaan dad dhar cad ah ama xitaa ciidamo caadi ah oo kormeera waxa meelahaa ka socda, kaddibna qabqabta oo xira wixii dhaqan xumo meesha ku haya, sidoo kale waxaa lasoo saari karaa shuruuc mamnuucaysa falfalxumada isla markaana qeexaysa cawaaqibka uu mudanayo qofkii lagu helo.

Hadalsame Media