Sida qura ee lagu dawayn karo dagaal beeleedyada daba dheeraaday!

0

(Hadalsame) 24 Okt 2018 – Dhiigga maanta ku qubanaya Dhumay waa xaalad bulshada Soomaalidu weligeed ku soo jirtay, sababtuna waa dawlad la’aanta. Ma suuroobi karto ummad aan dawlad lahayni in ay nabad ka la hesho.

Waxaa la og yahay tobankii sano ee u gu horreeyay maamulkii Kacaanka in ay aad u adkayd dagaal qabiil in uu dhaco, waayo maamulkaasi wax uu ku guulaystay in uu dadka u gu muuqdo dawlad ay tahay in loo hoggaansamo.

Tobankii sannadood ee dambena kolkii is la maamulkaasi reeraha isaga dhex baxay, ujeeddo siyaasadeed darteed, waa tii la is ku wada madhay ee gobol walba dhiiggu qulqulay.

Dagaalkii foosha xumaa ee beri dhexdeer ah ka dhacay Darroor iyada oo la fardaamin kari waayay waa tii dawladda Xabashidu xoog ku soo faragelisay, dabadeed xabbad dambe ma ay dhicin.

Dagaalka Bah Ararsame iyo Qayaad si uun buu u joogsan doonaa, laakiin dagaal qabiil oo la gu halaagsamaa in uu dhammaado la ga ma yaabo ilaa dawlad la helo.

Maamullada reeraysan ee Hargeysa iyo Garowe arrimahan wax ay yeelaan mooyee waxba ka ma tari karaan, waayo qudhooda ayaa qabyaalad u dhibaataysan oo dawlad ka la celisa u baahan. Sidaa darteed nolol haddii la doonayo ha loo kaco helista dawladnimo dhab ah.

Qalinkii: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media