NISA: Khabiir Al-Shabaab u qaabilsan dhanka qaraxyada oo lagu qabtay Muqdisho

0

(Muqdisho) 24 Okt 2018 – Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya NISA ayaa sheegtay in hawlgal dhacay 23-kii bishan Oktoober oo shalay ku beegneyd lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab .

NISA ma ahaysan bixin faahfaahin kale oo ku saabsan hawlgalkan oo lagu tilmaamay inuu qeyb ka ahaa dadaalada lagu sugayo amniga, loogana hortagayo qaraxyada.

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa barteeda Twitter-ka ku shaacisa howl galada lagu qabto xubnaha Al-Shabaab. Waxaa la aaminsan yahay in shaqada NISA hadda noqotay mid aad u qarsan halka markii hore ay jireen hawlgalo muuqdo ay ka qeybgalayeen gaadiid Tikniko ah ciidamo hubeysan.

“Ciidanka Amniga, ayaa maanta oo ku beegan 23-ka Octoobar, kasoo qabtay X-koontarool xubin sare Al-Shabaab oo khabiir ku ah qaraxyada. Holwgalkaan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga. Aan si wadajir ah uga hortagno qarax maleegayaasha.”#NISA

— NISA (@HSNQ_NISA) October 23, 2018

Hadalsame Media