Maxay Canada ka tiri qandaraas qaali ah oo ay kula jirto Sucuudiga kaddib dilka Khashuuqji

0

(Ottawa) 24 Okt 2018 – RW Canada ayaa sheegay in ay “aad u adag tahay” inuu xooro heshiis qaali ah oo ku kacaya US$12 bilyan (Can$15 billyan Doollarka Canada) oo ay la galeen nidaamka Riyaad, iyadoo uu warkani kusoo beegmayo jeer ay dood badani ka oogantey khaarajinta Jamal Khashoggi oo weliba la sheegay “in lasii qorsheeyay.”

”Qandaraaskan oo ay saxiixday dowladdii hore ee Stephen Harper, waa mid ay adag tahay in la hakiyo ama la tuuro.” ayuu yiri.

RW Justin Trudeau ayaa ku marmarsooday in haddii ay Canada heshiiskaa kansasho looga baahan yahay inay bixiyaan lacag ganaax ah oo dhan US$800 million (Can$1 bilyan oo kan Canada ah) oo uu sheegay inaysan u sahlanayn canshuur bixiyayaasha dowladda Ottawa.

“Ma doonaya inaan ka tago Canadian-ka oo ay qoorta ugu jirto hal bilyan oo Doollarka Canada ah, marka waxaan isku dayaynaa inaannu horay u soconno annagoo samaynayna wixii sax ah,” ayuu yiri yiri RW liberaalka ah oo aan sharrixin “waxa uu ula jeedo waxa saxda ihi” sida ay u yaallaan.

Hadalsame Media