Marcelo oo jawaabey waxa ka jira inuu Juventus u socdo

0

(Madrid) 24 Okt 2018 – Marcelo ayaa ku adkaysanaya in ‘uusan wax dalab ah ka maqlin kooxda  Juventus isla markaana uusan jirin qof isaga ka jecel Real Madrid’.

Marcelo ayaa lala xiriirinayay inuu isagu doonayo inuu saaxiibkii Cristiano Ronaldo kula biirayo Juve, yeelkeede, dadabkan bidix ee shaqada badan oo gool ku lahaa guushii ay Real Madrid 2-1 ku garaacday Viktoria Plzen dhanka Champions League ayaa arrintaa ka af celiyay.

“Miyaan ka tegeyaa Madrid? Wax dalab ah ma maqan, mana jirto qof iga madridista-ysan,” ayuu yiri.

Hadalsame Media