Boostooyin bambooyin wada oo loo kala diray, CNN, Obama, Bill & Hillary Clinton + Sawirro (Calanka ISIS oo lagu arkay)

0

(New York) 24 Okt 2018 – Weriyaha CNN ee Jim Acosta ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawirrada bambooyin boosto ahaan loogu soo diray istuudiyaha uu hilinkaasi ku leeyahay New York, waxayna adeegsadayaasha Twitter-ku sheegeen in marka la wayneeyo uu ka muuqdo calanka ISIS.

Sawirrada ayaa muujinaya in boostadu ku socotey rugta Time Warner Center ee New York City, oo ah istuudiyaha CNN ee New York, waxaana lagu xawiley agaasimihii hore ee CIA ee John Brennan, oo si joogto ah uga soo muuqda CNN si uu u shito Trump.

Cinwaanka celiska ah waxaa ku suntan haweenayda Florida ugu jirta Koongarayska ee Debbie Wasserman Schultz, oo lafteedu boosto toos ah oo noocan ah Arbacadii heshay, taasoo ay booliisku xaqiijiyeen inay ku jireen walxaha qarxa.

Bambooyinka ka muuqda sawirkan Acosta ayaa la mid ah kuwo loo kala diray madaxwaynihii hore ee Barack Obama iyo Bill & Hillary Clinton, balse ay dhexda ka qabteen ilaalada madaxwaynayaasha ee US Secret Service.

Yeelkeede, ISIS ma sheeganin wax mas’uuliyad ah, sidoo kalena lama xaqiijin karo saxnimada calanka la sheegay inuu ku sawiran yahay.


Hadalsame Media