TURUBKA TURKIGA: Erdogan oo u muuqda mid eedda Khashuuqji aan isku si u saarayn Boqor Salmaan & wiilkiisa (6 qodob oo warkiisa ku jirta)

0

(Ankara) 23 Okt 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa in yar uun kahor u khudbeeynaya baarlamanka dalkaasi ee Ankara fadhiya, isagoo sidii uu shalay ballan qaaday ka hadlaya qaabka loo qorsheeyay dilka Jamaal Khasuuqji.

1. Dilka Khaashuqji is ka ma dhicin ee waxaa la hayaa caddaymo in la qorsheeyay oo maalmo dhan la diyaarinayay.

2. Si aad u foolxun baa ninka loo dilay (maydka in la jarjaray buu ujeedaa).

3. Googo’ii maydka weli la ma hayo, qofka Turkiga ah ee Sacuudigu shegeen in ay ku wareejiyeenna waa ay sheegi la yihiin.

4. Annaga iyo dunida kale toonna na qancin mayso jariimadda in loo qabqabto dad hoose, waa se in cid wal oo ku shuqul lahayd la qabtaa ilaa heerka u gu sarreeya (Maxamed bin Salmaan buu ujeedaa).

5. Dadka ay Sacuudigu eeddan u qabteen ee 18 nin ah waa in Turkiga loo soo dhiibaa si loo gu maxkamadeeyo Istanbuul oo jarriimaddu ka dhacday.

6. Hadalka Ordogaan waxaa si cad u ga muuqata in uu Boqor Salmaan u arko nin aan dhagarta waxba ku lahayn, halka uu si dadban u la beegsanayo ibnu Salmaan oo uu qabo in uu isagu ka dambeeyay.

Waxaa Isku Duwey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media