Ronaldo oo saxaafadda ku indha sarcaadiyay saacad joogta 2 milyan oo doollar + Sawirro

0

(Manchester) 23 Okt 2018 – Jookarka Cristiano Ronaldo oo caawa bandhiggiisa laga sugayo gegada Old Trafford, ayaa weriyayaashii joogey shirkiisa jaraa’id ee Manchester kaga yaabsaday saacad dheeman ah.

Arbaha Juventus ayaa xirnaa saacadda naadirka ah ee ku fadhida £1.2milyan oo gini ama 2 milyan oo doollar ee Franck Muller taasoo xalay dad badan ka yaabeen, maaddaama ay ka buuxaan dhowr kaarot oo dheeman ah.

Laacibka ayaa jamaahiirta ku indha sarcaadinaya hantidiisa ka hor kulanka kooxdiisii hore ee Manchester United iyo tan uu haatan u safto ee Juventus jeer uu muquuranayo eedaymo ku aaddan kufsi.

Hadalsame Media