Dadka baraha bulshada oo wax laga yaqyaqsoodo ku tilmaamay tillaabo ay ku dhaqaaqeen madaxda Sucuudigu + Sawirro

0
In this photo released by Saudi Press Agency, SPA, Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman, right, shakes hands with Salah Khashoggi, a son, of Jamal Khashoggi, in Riyadh, Saudi Arabia, Tuesday, Oct. 23, 2018. Saudi Arabia, which for weeks maintained that Jamal Khashoggi had left the Istanbul consulate, on Saturday acknowledged he was killed there in a "fistfight." (Saudi Press Agency via AP)

(Riyaad) 23 Okt 2018 – Qoyska reer Sucuud ayaa ayaa u yeerey wiilka wayn reer Khashuuqji ee Salah Khashoggi, oo uu dhalay weriyihii la khaarajiyay Jamal Khashoggi, oo ay kula kulmeen qasriga Boqortooyadu ku leeyihiin Riyaad, waxaana la arkayay sawirrada Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Amiir Moxammed bin Salmaan.

Waloow ay Aal Sacuud sheegteey in uu wiilku “muujiyay….Sida uu ugu faraxsan yahay kulanka isla markaana uu Boqorka iyo Dhaxalsugaha uga mahad celiyay tacsidooda,” misna sawirrada ayaa muujinaya xaalad kale, taasoo dabcan la fahmi karo.

Mohammed bin Salman ayaa la sheegayaa inuu yahay qofka soo dhisay sheekada uu ku dhintay wiilka aabihii Jamal Khashoggi kaasoo markii la diley kaddib la weji bedeley, jeer uu ku sugnaa gudaha Qunsliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishan.

Dadka adeegsada baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka ayaa muujiyay sida ay ula ashqaraareen waxa ay tacsi ku sheegayaan qoyska reer boqor, waxayna lasoo degdegeen sawirro muujinaya wax u qaab eg dhacdadan oo ay madax Carbeed ay la kulmayaan dad dhibanayaal u ah. Waa muuqaal muujinaya anshax xumada qoyska reer Boqor.

In this photo released by Saudi Press Agency, SPA, Saudi King Salman, right, points to Salah, a son, of Jamal Khashoggi as Crown Prince Mohammed bin Salman, second right, looks on, in Riyadh, Saudi Arabia, Tuesday, Oct. 23, 2018. Saudi Arabia, which for weeks maintained that Jamal Khashoggi had left the Istanbul consulate, on Saturday acknowledged he was killed there in a “fistfight.” (Saudi Press Agency via AP)

Hadalsame Media