SAWIRRO: Olole nadaafadeed oo nuuciisa aan hore loo arag oo xalay laga sameeyay Muqdisho

0

(Muqdisho) 22 Okt 2018 – Saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu arkay wadada Maka Al-Mukarama boqolaal ruux oo sameynayay howlo nadaafeed oo aan horay loogu arag waayahaan Magaaladda.

Howlaha nadaafeed ayaa laga sameeyay wadada dheer ee Maka Al-Mukarama waxaana barnaamijkan soo abaabulay sida la sheegay Waaxda Howlaha Guud iyo Nadaafada Gobolka Banaadir.

Howlaha Nadafaadeed waxay ka koobnaayeen kuwo lagu dhaqayay laamiga, ka qaadida carada iyo gawaari wadada laamiga biyo ku rusheyneysay.

Reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya howlaha nadaafadeed ee xalay saqdii dhexe ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana dadka qaar kiis sheegayaan inay suuragal tahay in dowladda Soomaaliya isku diyaarinayso soo dhaweynta wufuud caalami ah.

Yeelkeede ma jirto cid ka tirsan dowladda hoose ee xamar oo sharaxaad ka bixisay ololihii nadaafeed ee xalay laga sameeyay Maka Al-Mukarama oo ah waddo muhiim ah.

Hadalsame Media