Dowladda oo ka hadashay shaqaaqo ka dhacday degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 22 Okt 2018 – Wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladdu baaritaan dhab ah ku sameyn doonto shaqaaqadii maalin ka hor ka dhacday Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmadda Wadajir ee Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow “Duucaale iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdu go’aan cad ka qaadan doonto cidii ka dambeysay dhacdadii ka dhacday Siligga Ameerikaanka.

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa sheegtay in arrintaani soo noq noqtay dibna isugu laabaneyso dowladda Soomaaliya si-arrintan go’aan uga gaarto.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukuar Islow ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay Xaafadda Siligga.

Wasiir Islow ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inaysan ku kadsoomin dhul aan sharci aheyn inay iibsadaan.

“Waxaan Xildhibaano iyo Wasiiro ku nahay Madaxiina waxaana ka xunahay wixii halkan kadhacay dadka dhintay waxaan ka qeyb qaadaneynaa sidii loo aasi lahaa sidoo kalena kuwa dhaawaca ah waxaad geysan kartaan Isbitaalkii aad rabtaan Dowladda ayaa garab idinka siineysa wixii aad rabtaan” sidaas waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”

Ciidamada amniga ayaa burburiyay goobo la sheegay inay sharci darro ahaayeen oo ku yaala xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir waxaana hawgalkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac markii koox maleeshiyo ah  la dagaalameen ciidamada dowladda.

Hadalsame Media