DAAWO: Sucuudiga oo bilowgii sameeyay nin ay u ekeeysiiyeen Khashuuqji & dembi-baarista Turkiga oo ku fahmey! (Kashifaad)

0

(Istanbul) 22 Okt 2018 – Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan sirdoonka Turkiga ayaa CNN u sheegay in nin ka mid ah 15-ka khaarajiye ee ku eedaysan dilka Jamal Khashoggi uu Qunsuliyadda uga baxay isla dharkii uu watey weriyaha ay dileen.

Kaamirooyinka CCTV-ga ee ay Turkigu u gudbiyeen CNN ayaa muujinaya nin iska dhigaya Khashoggi, kaasoo lagu magacaabo Mustafa al-Madani, oo kasii baxaya albaabka dambe Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishan Oktoobar, isagoo xiran ookiyaalihiisii, isla markaana gar been ah samaystay, waloow uusan qaadan kabahiisii.


“Dharka Khashoggi weli wuu diirranaa marka uu gashanayay Madani,” ayuu sarkaalkani ku yiri CNN. Madani, 57 jir, ayaa dhisme ahaan iyo da’ ahaan u dhow Khashoggi, 59 jir, wuxuuna qorshahani ahaa mid la doonayay in lagu jaha wareeriyo dembi baarista Turkiga oo bilowgii ay Sucuudigu kula doodeen inuu weriyuhu baxay isagoo nabad qaba, laakiin la marsiin waayay.

Ninka weriyaha iska dhigaya ayaa deeto Taxi u raacay dhanka Masjidka Sultan Ahmed isagoo uu nin kale wehliyo ayuuna musqul galay, kaddibna wuxuu sida muuqata markale soo gashaday dharkiisii uu horay u watey.

Hadalsame Media