”Adeeroow horay ayaanba u socon la’ahaye sidee gadaal u socod u ahay!” (Akhri nuxurka sheekada)

0

(Hadalsame) 22 Okt 2018 – Waqtigii ay dalka soomaaliya ka talineysey dawladii kacaanka gaar ahaan xiliyadii ay cusbeyd dadkuna ay wada kacaansanayeen ayaa waxaa dhacdey in Magaalada Dhuusa mareeb xarunta Gobolka Gal-gaduud maalin dadweynaha lagu shiriyey meelahii loo yaqaaney Orientationka ama golaha hanuuninta dadweynaha halkaas oo madaxda dawladii kacaanku ay dadka ugu khudbeyn jireen.

Waxaa jirtey waqtigaas in dawladii Kacaanka ay sameysay ciidan la oran jirey Guulwadayaasha kuwaas oo degmooyinka ka hawl geli jirey dadkana xaafadaha ka soo ururin jirey si ay shirarka u yimaadaan.

Hadaba waxaa dhacdey maalin maalmahaa ka mid ah in iyadoo dhawr nin oo Guulwadayaal ah ay xaafadaha wareegayaan ayaa waxey si kedis ah u arkeen nin odey oo waayeel ah oo la oran jirey Xirsi Jimcaale Daameey oo ul ku tukubaya si tartiib ahna u socda iyadoo dhabarkuna uu soo godmey markaasaa mid ragii Guulwadayaasha ka mid ahaa intuu odeyga ku qeyliyey uu ku yiri: ”Oday dibu socod ayaad tahay,” yacni Kacaan-diid ayaad tahay isagoo odayga u sheegaya in degmada oo shir uu ka jiro uusan imaan.

Ninkii odeyga ayaa intuu yaabey ayuu waxuu yiri: ”Adeer horey ayaanba u socon la’ahey adiguna waxaad i leedahay dibu socod ayaad tahay,” micnahu odeyga dibu socodka guulwaduhu sheegayo maba fahamsana in laga wado ”Kacaan-diid ayaad tahay” oo waaba isku lunsan yahiin odeyga iyo ragga Guulwadayaasha ah.

Saaxibbayaal sheekadan waxaan u soo qaatey marka loo fiirsado xaaladda siyaasadeed ee waqtigan wadankeenna ka taagan gaar ahaan sida ay isugu lunsan yahiin siyaasiyiinta Soomaalida hoggaanka u haaya waa sida nimankaa Guulwadaaysha ahaa iyo ninka odayga ahaa ay isugu wareersanaayeen oo ay isu fahmi waayeen.

Xigasho: Cabdullaahi Nuur Maxamed Colombo

Hadalsame Media