Xafiis ay Soomaalidu aad ugu faraxday oo laga furay magaalada Port Elizabeth

0

(Port Elizabeth) 21 Okt 2018 – Xarunta Sharci bixinta Qaxootiga ee Magaalada Port Elizabeth ee Dalkani K/Afrika ayaa sanooyin kaddib si rasmi ah iminka dib loogu furay, taas oo kumanaan Qaxooti cusub ah (New Comers) oo Soomaali u badan ay ka heli karaan rukhsadaha cusub ee degannaanta.

Wasiirka Gudeedka (Home Affairs) Mr Malusi Gigaba, oo ay wehliyaan wufuud ka kala socota Hay’adaha caalamiga ee Qaxootiga, ayaa xarigga ka jaray Xafiiska Home Affairs ka ee P.E. oo sheegay inay farxad tahay in wixii hadda laga bilaabo ay Qaxootiga cusubi rukhsado deganaan heli karaan.

Guddoomiyaha guud ee Somali Association of South Africa (SASA) Mr. Shukri Dhicis, ayaa qayb ka ahaa masuuliyiintii munaasabadda furitaanta ah ka hadashay, waxayna Jaaliyadda SASA kaalin weyn ku lahayd kiiskii Maxkamadda sare ee ka dhanka ahaa Home Affairs-ka kaasi oo kama dambays lagu guulaystay in dib loo furo maamaha iqaamo bixinta gaar ahaan qaabilaadda soo galootiga cusub oo dhibaato badan lagu qabay.

Soomaalida ayaa loo asteeyay maalinta Khamiista ah sida ay ilaa iyo hadda ay Hadalsame ugu warrameen ilo ku sugan Magaalada Cape Town, waxaa qaybta qaxootiga cusub si rasmi ah dib loo furi doonaa bilowga sanadka cusub 2019 Haddii Alle idmo.

Haddaba, dadka doonaya inay iqaamado degannaashiyo u doontaan magaalada Port Elizabeth, hadii ay ka baqayaan in wadada lagu qabto waxay waraaq caddeyn ah ka sii qaadan karaan xafiisyada SASA ay ku leeyihiin Magaalooyinka Cape Town, Johannesburg Iyo Pretoria.

Hadalsame Media