CIYAAR DIBLOMAASIYADEED: Sida ay Turkigu ay Sucuudiga ugu baqa maaleen kiiska Khashuuqji

0

(Istanbul) 21 Okt 2018 – Dembi baadhista Turkigu sida muuqata diblomaasiyadda dawladda ayay la socotaa. Waa hubaal in ay goor horeba heleen xogta dilka iyo maydka Khaashuqji oo dhammays tiran. Laakiin warqaddaa diblomaasiyadeed ee qaaliga ah ayay u ciyaarayaan sida u gu wax tarsan ee ay u ga faa’iidaysan karaan.

Reer Aal Sacuud oo xidhiidhkoodu aad u xumaa oo god u gu dhacay iyo reer Galbeed oo xuquuqal insaan ku wareeriyay oo arrintu xujo ku noqotay ayay labadaba baqa maalayaan.

Sow ma aad arkayn ilaa bilowgiiba qaabka ay arrinta u dhigeen ee natiijadeeda u jiidjiideen ee u daba dheereeyeen? Codadkii saacadda Khaashuqji waannu haynnaa iyo maydkii in la jarjaray in ay og yihiin ayay ku shaarteen mana ay soo bandhigin.

Waxaa la ga yaabaa haddii danaha ay doonayaan loo fuliyo in aanay abidkood codadkaa soo bandhigin, ninka maydkiisii la jarjarayna weligood cid tusin. Markaa baadigoobka ay weli wadaan waa indhasarcaadin rayulcaamka la gu jeedinayo.

Aal Sacuud wax ay madaxa la galeen dheri ay ka la bixi kari la yihiin. Xitaa maamulka Xamar baa laaluush yar ka helay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media