Meelaha ay ku kala khatarsan yihiin Inter & Milan, arrin aad ugu yar Derby Milano & dakhligii ugu badnaa oo kasoo xarooday!

0

(Milano) 21 Okt 2018 – Inter iyo Milan ayaa caawa ballansan kulanka kulul ee Derby Della Madonnina, iyadoo uu tirakoobku muujinayo inay kooxiba meel halis ku tahay, tusaale ahaan Inter Milan waxay khatar ku tahay dhanka gudaha diilinta ganaaxa, halka Milan ay tahay kooxda 2-aad ee ugu khatarsan Yurub marka la eego toogta goolka bannaankiisa.

AC Milan ayaa 5 ka mid ah 15 gool oo ay ka dhalisay Serie A waxay ka dhalisay bannaanka diilinta 18-aad, waana kooxda 2-aad iyadoo ay Yurub oo idil ka fiican tahay kooxda Borussia Dortmund oo 6 ka dhalisay Bundesliga, Inter ayaa dhankeeda 12-ka gool ee ay ilaa haatan dhalisay ka wada ansixisay gudaha diilinta 18-aad.

Dhanka kale, waxaa kulanka Derby Della Madonnina cariiri ku ah helitaanka gool ku laadka, tusaale ahaan AC Milan waxaa rigoore ay hesho ugu dambaysay bishii Maajo 2018, iyadoo rigoore uun la dhigay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay, kaasoo 15-kii Oktoobar 2017 oo sanadkii tegey ah daqiiqaddii ugu dambaysay loo dhigay Inter oo 3-2 ku badisay.

Sanad-ciyaareedkan 9-ka kulan laga ciyaaray, kooxaha AC Milan, Lazio iyo Bologna ayaa ah kooxaha qura ee aan weli loo dhigin wax rigoore ah.

Dhanka kale, sida uu qorayo Gazzetta dello Sport, tigidhada garoonka San Siro ayaa gebi ahaanba la iibsadey iyadoo ay xaadir noqon doonaan daawadayaal ka badan 80 kun oo taageere, kuwaasoo ay ka mid yihiin dad madax ah sida Matteo Salvini oo ah RW Xigeenka iyo Wasiir Gudeedka Talyaaniga oo Milan taageera, macallinka Talyaaniga ee Roberto Mancini, Galliani iyo rag kale.

Dhanka dakhliga waxaa tigidhada oo qura kasoo xaroon doona 5 milyan oo euro, iyadoo kulankan oo ah derby-gii 169-aad laga daawan doono in ka badan 196 dal marka xisaabta lagu daro baahinta tooska ah ee dhanka internet-ka oo ah hab haatan aad loo adeegsado.
Waxaa baaqday Gordon Singer, oo uu dhalay ninka iska leh Elliott Management, oo ah shirkadda iska leh Milan oo markii hore la sheegay inuu imanayo.

Hadalsame Media