Maanta ma mudan tahay in la XUSO 21-ka Oktoobar?

0

(Hadalsame) 21 Okt 2018 – In Soomaaliya ay wadada diimuqraadiyadda ka leexato oo uu shacabkeedu uusan doorasho,  sharci iwm aqoon maanta.

In siyaasi isku sheeg walba madaxnimo kaliya iyo kursiga siduu ugu fadhiisan lahaa bes raadiyo, la xisaabtan shacabna ka cabsan waayo, dadkuna ay qabiil iyo qof wejigii uun eegtaan.

Intaas iyo ka badanba waxaa masuul ka ah ayaan aaminsanahay M. Siyaad Barre Allaha u naxariistee & afgambigiisii 21/10/1969-kii.

Wuxuu dalkeenii ka leexiyay waddo dowladnimo, xataa hadii ay dowladnimadaasi mid musuqmaasuq ku dhisan ay eheed, dalalkii kale ee Afrikaanka ahaa, ee nala midka ahaa, ee balse wax dikteetar ah uusan qabsan, maanta dowladnimo iyo in shacabkooda ay wax dooran karaan, kala danbeynna ay leeyihiin ayay ku faani karaan, annagana?!!!!

Ha i dhihin M. Siyaad Barre Allaha u naxariistee “Soomaaliya wax badan ayuu u qabtay” kawaran maanta hadii aan guri kuu dhiso, isla markaasna aan sabab u noqdo burburka gurigaadaas, maxaa faa’iido ah ayaan kugu soo siyaadiyay?

Dhanka kale….
In dadku qabiil qabiil ay isku diriraan.
In lakala aamin baxo.
In dalkeenii dhan uu burburo.
In 30 jirrada Soomaaliyeed iyo wixii ka yar ay weligood dowlad Soomaaliya dhan wada maamusho arki waayaan.

Intaasi iyo ka badanba waxaa masuul ka ah, Caydiid Allaha u naxariistee, Moorgan, Cali Mahdi, Cabdullaahi Yuusuf Allaha u naxariistee iyo jabhadihii qorshe la’aanta Siyaad Barre (AUN) riday, kadibna ku heshiin waayay, oo awoodi waayay inay dowladdii halkaas kasii wadaan.

Waxaanan ayagana la hilmaami karin oo burburka dalkeena, dilka iyo qaxa shacabkeenana gacan mug leh ka geystay dhammaan hogaamiye kooxeedyadii, iyo kooxo diimeedyo isku sheegga ay Al-Shabaab ugu horeeyaan.

In dalka uu illaa iyo weli kabsan waayana waxaa ka Masuul ah madaxdii iyo masuuliyiintii xilalka dalka ka qabtay, illaa iyo welina qaar hayaan oo ujeedooyin gaar ah bes wata, tooda gaarka ah darteedna, tii qaranka u dayaca ama bohol uga tuura.

Gunnaanad:
Soomaaliya wax walboo wanaagsan oo ka dhaca, xataa xoollo biyo la waraabiyo, masuuliyadeeda waa la sheegtaa, oo waaba lagu faanaa.
Wax walboo qaldanoo ka dhacayne muusliyadeeda lama sheegto, hadana dadkii masuulka ka ahaa in la sheego lama rabo, amaba ajaanib ayaa loo saariyaa masuuliyaddaas iyo musuuliyadda burburka & dhibka dalkeena ka dhacay dhan inay ayaga leeyihiin.

Marka taasi ma soconeysaa?!
Tan xigtana sabab aan maanta af-gembigii 21 Oktoober 1969 ugu dabaaldegi karo ha la ii sheego.

Waxaa Qoray: Axmed Kediye

Hadalsame Media