Faahfaahin ku saabsan hawlgalo ka dhan ah kooxo burcad ah oo laga fuliyay Muqdisho

0

(Muqdisho) 21 Okt 2018 – Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay sadex ruux oo burcad ah kuwaas oo hubeysnaa islamarkaana dhac u gaysanayay dadwayneha ku dhaqan degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho.

Qaasim Axmed Rooble oo ah afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay xalay toogteen mid ka mid ahaa burcad oo isku dayay inay ciidamada la dagaalamaan

Waxaa kale oo uu sheegay in gacanta lagu dhigay sadex kale oo dhaawac ah haddana ay ku socdaan baaritaan.

Magaaladda Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay falalka burcadnimada.

Hadalsame Media