”Sucuudigu waa OLOG aynaan ka maarmin” – Trump oo Koongarayska u qishay kharashka ay Sucuudiga ku qabaan!

0

(Washington, DC) 20 Okt 2018 – Maraykanka ayaa Sucuudiga u arka olog istaraatiji ah marka loo eego Iiraan oo ay Israel neceb tahay iyo hub coosh ah oo ku kacaya balaayiin doollar oo uu ka iibsado Maraykanka, Donald Trump ayaa wax dilka Khashoggi ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin” balse wuxuu Riyaad ku amaanay inay baaritaan bilaabeen oo ay dad soo ”xirxireen”.

“Waa tillaabadii ugu horreeysey ee wanaagsan, waa mid wayn,” ayuu yiri Trump, oo dhanka kale qiray inay jiraan “su’aalaha qaar” aan weli laga jawaabin, isagoo sheegay inay arrintaa eegi doonaan Koongaraysku.“Saudi Arabia waa xaliif wayn, balse lama aqbali karo waxa dhacay,” ayuu yiri Trump.

Saudi Arabia's consulate in Istanbul © Reuters / Huseyin Aldemir
Sucuudiga ayaa xalay qirtay inay khaarajiyeen Khasuuqji

“Waxaan door bidi lahaa woxoogaa cunaqabatayn ah, haddiiba aannu wax uun samaynayno. Balse ilama fiicna in la kansalo qandaraas ku kacaya $110 bilyan oo doollar, oo abuuraya 600,000 oo shaqo.”

“Waa xaliif wanaagsan oo Bariga Dhexe ah, waxaana u adeegsannaa ka hor tag ahaan ka dhan ah Iiraan.” ayuu raaciyay Trump isagoo daba dhigay “waa la xallinayaa, waa la xallinayaa.”

Hadalsame Media