RAAD-RAAC: Qaddiyadda qaayaha leh balse keentay in weriye Khashuuqji qoorta laga gooyo oo dhan

0

(Hadalsame) 20 Okt 2018 – Suxufigga uu haatan dilkiisa Sacuudigu sheegtay, ayaa sanadkii ina dhaafay ee 2017-kii kasoo baxsaday Sacuudi Careebiya, wax yar uun kaddib markii uu dhaxalka Boqortooyada boobay Maxamed Bin Salmaan oo xilkaa haatan sugaya.

Ka soo baxsashadiisana waxaa ay timid markii laga takhalusay tobbanaaneeyo ruux oo qaarkood noqdeen wax la dilay iyo wax xabsiga loo diray.

Shakhsiyaadkani waxay iskugu jireen aqoonyahano iyo culumo diimeed iyo kuwo u dhaqdhaaqa xaquuqda aadanaha. Maxamed Bin Salmaan oo xilligaasi xowli ku socday sidii duufaanta oo kale ayaa sheegay in dalkiisa isbadal caalamka soo dhaweeyo ku sameeynayo. (Malaha taasi Jamaal aad uga guuxay).

Wuxuu ahaa nin ay ku weeyneyd dhaqanka iyo carabnimada kooban ee Sacuudiga u gaarka ah. Wuxuu sidoo kale ahaa nin xirriir wanaagsan la leh qoyska reee Boqor ka hor intaan duufaanta ina Salaam iman.

Jamaal wuxuu si joogto ah maqaallo ugu qori jiray wargeyska Alhayat oo uu leeyahay Amiir Khaalid Bin Suldan, balse laga mamnuucay maqaalladiisa kaddib markii uu difaacay kooxda Ikhwaan Muslimiinka dalka Masar, oo Sacuudigu u arko inuu yahay urur aragagaxiso.

Jamaal Khashoggi, waxeey markaasi dantu badday in dalkiisa ka baxsado oo uu ku noolaado Mareykanka, halkaas oo qoraalladiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed ee uu ku dhaliilayey Sacuudiga ka waday.

Weriye Jamaal wuxuu ahaa nin si wayn uga soo horjeeday duullaanka lugu bur buriyey dalka Yemen ee Sacuudiga hormuudka ka yahay. Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyey isbadalka xagga dhaqanka ee dalka ku yimid ka dib markii xukunka faraha loo geliyey ina Salaam, xabsiyadana loo diray dad badan oo xaquuqda aadanaha u dhaq dhaqaaqa.

Marka laga soo tago arrimahaas oo dhan, Jamaal wax wal ah kama qabin naftiisa tan iyo markii Turkiga uu yimid, isma laheyn Sacuudiga ayaa inta ka soo talaabo xadka Turkiga kuu geeysan doono dhibaato baaxad leh.

Taasina waa tan keentay isagoo isku kalsoon in uu ku qanciyo gabdhii uu guursan lahaa in ay ku sugto banaan qunsuliyada dibna aan dib ugu soo laaban.

Ugu dambeyntiina maanta oo sabti ah ayey si siyaasadeeysan oo laga soo shaqeeyey ayey rajiimkaSacuudiga u qirteen in lugu dhex dilay gudaha qunsuliyadda ka dib gacan ka hadal halkaasi ka dhacay. Rabbi ha u naxariisto.

Waxaa qortay: Ikraam Cali-kaar

Hadalsame Media