NISA oo sheegtay in gacanta lagu dhigay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab

0

(Muqdisho) 20 Okt 2018 – Hawlgal gaar ah oo ay fulisay hay’adda sirdoonka iyo nabadsudida Soomaaliya ee NISA kaasoo laga fuliyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

NISA oo warka qabashada sarkaalkan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa ku sheegtay ninka in sarkaalka la qabatay uu ahaa Samiye ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ay sheegtay in shacabka aysan waxyeelo gaarin intii lagu jiray qabashada sarkaalkaan.

NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgalada gaarka ee ay ku qabtaan xubnaha Shabaab ku baahinasay barta Twitter-ka ay ku leedahay hase ahaatee ma jiraan xogo dheeraad ah oo ay ha’addu ka bixiso hawlgalada sida magacyada dadka la qabto.

Hadalsame Media