Maxaa keenay inuu Mourinho cayrsado macallin xigeenka Chelsea + Sawirro

0

(London) 20 Okt 2018 – Macallinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa isagoo caro la qaacaya cayrsadey macallin xigeenka Chelsea ee Marco Ianni oo ku dub boodboodey kaddib bareejadii Blues ee Stamford Bridge.

Ianni ayaa maagay Mourinho kaddib markii uu Ross Barkley dhamaadkii ciyaarta u barbarreeyay kooxda Man United, ciyaar kulul oo 2-2 ku idlaatay.

Isla markii uu Barkley goolka dhaliyay, ayuu Ianni inta istaagey wuxuu dul tegey macallinka United oo kaydka fadhiya, isagoo ku goostay, taasoo uu markii iska indha tiray Mourinho.

Yeelkeede, Ianni ayaa sii watay dabbaal deggii markaasoo ay shalay maahane dorraad ka noqotay Mou oo dusmada ku cayrsadey kaaliyaha Sarri, waloow ay markiiba ka gaareen shaqaalaha labada kooxood.

Muranka ayaa xitaa u gudbey garoonka iyadoo ciyaartooyda qaarkood ay faraha isku taagtaageen. Sarri ayaa Mou arrintaa ka raalli geliyay ciyaarta kaddib.

Hadalsame Media