DAAWO: Sh. Suddaysi oo si cad u taageeray Maxamed B. Salmaan (Maxaan ka baran karnaa?)

0

(Maka) 20 Okt 2018 – Sheekh Cabdurraxmaan Sudaysi ayaa khudbaddii uu shalay ka akhriyay minbarka Masjidka xurmada leh ee Maka wuxuu taageero ugu muujiyay wiilka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan oo uu ku sifeeyay wiil han iyo hibo leh, isagoo dhanka kale soo dhoweeyay isbeddel doonka uu wado iyo casriyaynta Sucuudiga.

Dad badan ayaa u baahan doona inay cusbo ku liqaan warka wadaadka oo kusoo beegmaya xilli ay meeshii ugu hooseeysey taagan tahay sumcadda MBS oo la aaminsan yahay inuu yahay ninka amray in Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul lagu dhex qalo weriye Jamaal Khashuuqji (AUN), kaasoo ay xalay qaab dhinacyada laga jaray oo siyaasadaysan u qirteen.

Taageerada Sh. Sudaysi ee MBS ayaa sidoo kale Muslimiinta sawir kale ka siinaysa waxa ay u taagan yihiin qolada loo yaqaanno Aala Sheekh oo ah rag Boqortooyada oo ay Britain samaysay shirko kula ah inay u hayaan dhanka arrimaha diinta, maaddaama ay Sucuudiga ku yaallaan labada Masaajid ee xurmadda diimeed ee leh Maka iyo Madiina si aan loo luminin saamaynta lagu leeyahay dunida Muslimka.

Qolada Aala Sheekh ayaa sidoo kale la rumaysan yahay inay sidoo kale taageeraan ururro badan oo dagaallo jihaad lagu sheegayo oo dad kale oo Muslimiin ah lagu laynayo ka wada dalal ay Somalia ka mid tahay, kaasoo loo adeegsanayo dad aan u fikirayn si waaqici ah, balse ku shaqaynaya san dareerto amaba ku siran waxa loo akhriyay.

Hadalsame Media