HALKEE MAKA NAGA XIGTAA? Jameeco 37 sano u tukanaysay JIHO khaldan!! (Sheeko dhab ah)

0

(Ankara) 19 Okt 2018 – Musliinta Tuulo ku taalla galbeedka dalka Turki ayaa ku qasbanaaday in ay beddalaan qibladii ay tukanayeen 40 sannadood ku dhawaad, kaddib markii ay ogaadeen in ay halka ay u tukadaan aanay Kacbadu jirin, Imaam Ciise Kaaya ayaa go’aansaday in uu baaritaan ku sameeyo ku-tiri-kuteen suuqa ku jirtay oo ahayd in jameecada masaajidki jaho khaldan u jeestaan marka ay tukanayaan.

Kaddib markii uu u qayla dhaansaday Xafiiska Muftiga Gobolka, Imaan Ciise Kaaya waxa uu la yaabay in ay ku-tiri-kuteentii run noqotay. Masaajidka oo la dhisay ayaa waxaa khaladku ka dhashay, jiheeyaha darbiga ku dheggan oo 30 darajo ka leexsanaa jahada Maka.


Saraakiisha Awqaafta iyo Diinta ee Gobolka ayaa masaajidka u sameeyay jiheeyayaal kumeel gaar ah. “Waan u sharraxnay jameecadayada xaallada masaajidka intaa badanna si wanaagsan ayay uga fal celiyeen.” ayuu yiri imaamka Kaaya oo la hadlayay Demiroren News Agency.

Dhismaha masaajidla ayaa dib u qaabayn lagu samayn doonaa.

Waxaa Diyaariyay; Cali M Diini

Hadalsame Media