”Hadda ninkii waad qasheene halkee ku qarinnaa” – Qisadii dhexmartay nimankii khaarajiyay Khashuuqji & Qunsulka Sucuudiga oo qoran!

0

(Hadalsame) 19 Okt 2018 – Qalashada Khaashuqji ilaa imika qisada u gu wacan waxaa ka qoray qareenka qoraaga ah ee la yidhaahdo Awaab al-Masri. Qisadan oo uu ku qoray shabakadda Aljasiira, wax uu ciwaan u ga dhigay “Doqomada Laayaanka ah – Mala’awaalidda wada sheekaysigii dilaayadii Khaashuqji”.

Wax uu yidhi: “Qunsulku wax uu ku yidhi, waar miyaad ku qasban tihiin in aad qolkaygan ku dhex samaysaan? Waar Ilaahay ka baqa, qunsuliyaddu waa ay qolal badan tahaye. Ma qasab baa in aad godobta i gelisaan? Kooxdii laayaanka ahayd wax danayn ah u ma ay muujin qunsulka hadalkiisa, is la jeerkaas oo Jamaal Khaashuqji naftu ka sii aguugaysay. Qunsulku wuu ka jeestay isaga oo is leh intaas baad eedda ka ga badbaadi doontaa.

Daqiiqado gaabiya ayaa socday jeer kooxda laayaanka ahi hubisay in Khaashuqji mayd yahay. Qunsulku kooxdii ninka dishay buu ku eegay indho ay ku qarsoon tahay wayddiinta ah: Oo ka dibna? Midkood baa u muunsooday muunsood kalsooni iyo ogaansho leh, wax uuna qunsulka u tilmaamay in uu qolkiisan ka baxo, si ay isaga iyo kooxdiisu hawsha u dhammays tiraan oo dhagarta raadkeeda asturaan.

Qunsulkii wuu baxay isaga oo moodaya laayaanku in ay waxa ay samaynayaan garanayaan. Laakiin qunsulku wax aanu ogayn Cimrigiijirku in uu Riyaad u ga soo diray kooxdii dilaaga ahayd ee abid taariikhda u gu doqonsanayd.

Laayaankii waa ay is eegeegeen, iyada oo mid waliba moodayo in ka kale xal hayo. Qunsulkii bay mar kale qolkiisii u gu yeedheen, wax uuna arkay maydkii Khaashuqji oo rooggii xafiiska weli sidii u daadsan. Kooxdii laayaanka ahayd wax ay wayddiisay bal in uu hayo wax talo ah oo dhagarta iyo maydka la gu qarin karo.

Qunsulkii dhulka ayaa la wareegay, wax uuna yaqiinsaday daqiiqadihii tagay waxii dhacay in ay tahay isgoys mugdi ah oo tubtii noloshiisa beddeli doona. Imika dhagarta goobjoog uun u ma aha ee waana in uu qayb ka noqdaa qarinteeda, haddii uu diidana wax uu ku dambayn karaa waxii Jamaal Khaashuqji iyo wax ka daran.

Markaa qunsulku wax uu yidhi, kol haddii amarku ka yimid Cimrigiijirka, waa in aynnu war ku celinnaa Riyaad. Qunsulkii wax uu wacay xafiiskii Cimrigiijirka, se xoghayihii xafiiska Sarreeyuhu wax uu sheegay in Cimrigiijirku goortan shuqlan yahay, si walbana se ha ahaatee aanu arrinka waxba ka ogayn. Wax uuna xoghayuhu isaga oo degdegsan hadalka ku dhammeeyay “qodaxdaada gacantaada is ka ga goo”. Qunsulku gacmihiisa oo gariiraya ayuu telefoonkii dhigay, kooxdii laayaanka ahaydna warkii buu u sheegay.

Mid laayaankii ka mid ah baa yidhi, haye, markaa maxaa talo ah? Isaga oo qunsulkii fiirinaya. Qunsulkii labada indhood baa soo baxay, wax uuna xaqiiqsaday in aanu dhagarta ka qaybqaadan keliya ee uu isagu kooxda laayaanka ah hoggaaminayo, doqomadan hor tubanina sabab u yihiin dhammaadkii noloshiisa.

Midkood baa ku yidhi, wax kale garan maynno aan ahayn in aannu maydka gurigaaga ku qarinno, waayo kolka ay arrintu qaraxdo waxaa la soo wada eegayaa qunsuliyadda ee cidina danayn mayso gurigaaga dariska la ah. “Oo miyaydaan hayn meel aan gurigayga ahayn oo aad maydka ku qarisaan?” Ayuu yidhi qunsulkii. Mid kale ayaa se u gu jawaabay “dee ku la tashan maynno”.

Midkood baa misna soo galay xafiiskii qunsulka oo kuwii kale ku yidhi, gaadhi daboolan baa inoo taagan irridda qunsuliyadda si uu maydka u geeyo guriga qunsulka. Sidii bayna u dhacday. Kooxdii laayaanka ahayd degdeg bay u ga baxeen qunsuliyaddii, wax ayna afka saareen gegida dayuuradaha oo ay dayuuradi ku sugaysay.

Maalmo ka dib waxaa faaftay in Jamaal Khaashuqji qunsuliyadda la gu la yahay, waxaana kale oo shaacday xogta ah in la dilay. Telefoonkii qunsulku u dirayna imika ayaa loo ga jawaabay, xoghayihii Cimrigiijirka ayaana la hadlaya. “U sheeg ninka soo wacay in sarreeyuhu ka xanaaqsan yahay waxii dhacay, uun la xisaabtami doono oo maxkanadayn doono oo aanu ciqaabtiisa ka baxsan doonin.

Waayo Boqortooyada samuhu ma aha wax kale samo mooyee, ayuu qofkii telefoonka ku gooyay. Qunsulkii labada gacmood ayuu madaxa saaray, wax uuna garwaaqsaday in uu nool yahay casri ay madax yihiin ilmo doqommo ahi.

Waxaa Isku Duwey: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media