Yaa xaq u leh qaadashada Baasaboorka Diblomaasiga? (Akhri sharciga khuseeya!)

0

(Muqdisho) 18 Okt 2018 – Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, ayaa mar kale lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shaafi Raabi Kaahin, ayaa la sheegayaa inuu ka yimid dalka Turkiga, islamarkaana markii uu soo dagay, laga qaaday baasaboorkii uu watay, kadibna la fariisiyay meel ka mid ah Garoonka.

Waxaa la sheegay inuu baasaboorkaasi ahaa midka diblomaasiga, haddaba yaa qaadan kara oo sharci u leh baasaboorka diblomaasiga oo marar badan la isku qabsado, maadaama uu qof kasta oo dowladda galaangal la yeeshaa doonayo inuu iska qaato, jeer uusan xitaa qofkaasi xaq u lahayn baasaboorka adeegga (Service Passport), ama uusan wadanin warqadda qofka siinaysa rukhsadda uu ku qaadan karo Nola Osta-da.

Hoos ka akhri shuruucda saamaxaysa ama diidaysa qaadashada Dal ku galka Diblomaasiga.

Hadalsame Media