QAL OO QARI: Nin ka tirsan 15-ka nin ee lagu tuhmayo dilka Jamal Khashuuqji oo geeriyoodey & TUHUN ka dhashay!

0

(Riyaad) 18 Okt 2018 – Nin ka tirsanaa 15-ka nin ee ku eedaysan inay khaarajiyeen weriyaha la la’yahay ee Jamal Khashoggi ayaa mar qura ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Sucuudiga, taasoo sida ay qabto saxaafadda Turkigu abuuraysa tuhun hor leh oo ku aaddan in wax la duug duugayo.

Jamal Khashoggi © AFP / Mohammed Al-Shaikh
Arrinta weriyaha Khashuuqji ayaan weli meel la saarin

Meshal Saad al-Bostani, oo 31-jir ah, waa gaashaanle ka tirsan ciidamada cirka sucuudiga ee Saudi Royal Air Force, waxaana la sheegay inuu ku dhintay ”shil gaari oo shaki wayn abuuray” kaasoo ka dhacay magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga, sida uu soo xigtey warsidaha Turkish-ka ah ee Yeni Safak – oo ka mid ah warsidayaashii ugu hor kashifay in la diley weriyaha.


Bostani ayaa ka mid ahaa dad ku jira muuqaallada kaamirada CCTV-ga ee ay booliisku sii daayeen, kuwaasoo lagu faafiyay warqaadka Sabah, isagoo kasoo degaya garoonka Istanbul ee Ataturk isla 2-dii bishan Oktoobar oo ah maalintii la waayay weriyaha.

Ninka iminka dhintay, ayay wehlinayeen 14 kale oo u dhashay Sucuudiga kuwaasoo yimid kana dhoofay isla maalintii uu weriyuhu galay Qunsuliyadda Sucuudiga, iyadoo ay booliiska Turkigu sheegeen in loo keenay inay khaarajiyaan oo ay weliba hilbihiisa qariyaan weriye Khashuuqji, iyadoo sida la sheegay xitaa watey miishaarta korontada ku shaqeeysa.


Hadalsame Media