Ma taqaan HALKU-DHEGGA hoos u dhigaya hanka & higsiga Galmudug?

0

(Hadalsame) 18 Okt 2018 – Waxaa jirta KALMAD ama ORAAH caan ka ah Galmudug gaar ahaan inta siyaasadda miliqsan ee indhafara-ka-galiska ah ka sheekaysa ama ku jirta ay isticmaalaan. Sidoo kale waxaa kalmaddaan isticmaala qof kasta oo Reer Galmudug ah oo si qardojeex ah wax ku difaacaya ama ku diidaya.

Kalmaddaas waxaa la yiraahdaa ‘DANO GAAR AH LEH!’ dhaaxaad maqashay nin inta warbaahin uu shilimaad u tuuray isku keenay leh “magaalo hebla dadka ku shiraya waa dad DANO GAAR AH LEH, doorashada magaalada hebla ka dhacday waxaa abaabulay dad DANO GAAR AH LEH, doorashada aan qabannay dadka ka soo horjeedaa waa dad ”DANO GAAR AH LEH?”

Dhaaxaad aragtay mid kala garan la’ Mawlaca Xerta iyo Guriga Baarlamaanka Galmudug oo haddii la xasuusiyo kala duwanaanta Mawlaca Dariiqada iyo Guriga Baarlamaanka kugu shaabbadaynaya in aad DANO GAAR AH leedahay? Dhaaxaad dhaayaha saartay mid haddii jufadiisu Wasiir heli waydo ku qaylinaya “Galmudug way fashilantay ee ha lagu kala tago?”

Haddana bil kaddib waa kanaa saaxiibkaa oo la xuurtaysan “Galmudug way dhaqaaqday, way midawday, maashaa Allah!” Haddaad ku dhahdid “war libaax sidee wax kaa yihiin? Ma shalay baad qaldanayd mise maanta?” Waaba kaas kugu shaabbadeeyay in aad ”DANO GAAR AH” leedahay.

Haddii aan gees iska dhigi lahayn daba oradka danaha jufaysiga iyi kuwa gaar ka ah Galmudug waxa ay noqon lahayd Maamulka ugu dhaqaale iyo horumar badan Soonaaliya oo dhan. Laakiin waxaad mooddaa inta badan dadka Galmudug ku nool in aysan ba aamminsanayn mabda’a Galmudugnimada iyo wax wada lahaaanshaha Reer Galmudug oo dhan. Macquul ma ahan in dadka Galmudug oo dhami ay jufadadaada noqdaan ama dariiqadaada noqdaan.

Aan wax wadayeelanno danaha jufaysiga iyo gaar ahna meel iska dhigno si aan ugu guulaysanno dhammaanteen iyo Soomaaliya oo dhanina u guulaysato.

W/Q; Cali M. Diini

Hadalsame Media