Kiiska weriyaha la la’yahay ee Jamaal Khashoggi & geeridii faj’ada ahayd ee CAWKE oo meelo badan iskaga eg!

0

(Hadalsame) 18 Okt 2018 – Maqnaanshiiyaha Wariyaha reer Sacuudi ee Jamaal, waxay i xusuusisay dhacdo shakhsiyan iyada iila eeg oo dhacday bishii November, 2015.

Cawke, wuxuu ahaa wariye Soomaalida dhexdeeda caan ka ah, taariikh halgameedna leh. Si aad degdeg u ah ayaa geeridiisa Jigjiga looga soo sheegey. Waxaa se ka sii yaab badnayd markii aaskiisa oo Hargeysa markii hore dadku moodayeen la sheegey in Wajaale waliba dhinaca Ethiopia lagu aasi doono.

Maalintaas anigu goobjoog baan ahaa. Dhacdooyinkii xabaasha dusheeda ka dhacay oo dhan waan taagnaa. Dadkii Liyuu Booliisku soo dhangadeeyeenbaan ku jiray.

Tallaabo kasta oo la qaaday tuhunka ayay igu sii kordhisay. Ilaa maanta ma qanacsani. Waxaaban marmar is idhaahdaa ‘Maydkii la aasay malaha Cawkeba ma ahayn’. Gabay Garnayl la yidhaahdo oo aan arintaas ka curiyaybaa jiray.

Waxaan codkayga ku biirinayaa Soomaalida dalbanaysa in Cawke iyo geeridiisa si uun baadhitaan madaxbanaan mar loogu sameeyo. Haday suurogaltahay!

Waxaa Qoray: Abwaan Nageeye Cali Khaliif

Hadalsame Media