Ciidamada Kenya oo carruur wada dhalatay & waalidkood ku toogtey gobolka GEDO

0

(Gerilleey) 18 Okt 2018 – Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warrmayaa inay saddex wiil oo walaalo ah ku dileen gobolka Gedo, kuwaasoo falkan aargoosi ahaan u sameeyay, sida la yiri kaddib markiii loo dhigay qarax miino loo badinayo inay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa laga soo sheegayaa tuulo la yiraahdo Barmiil oo ka tirsan Gerilleey oo qiyaastii 8 KM u jirta xuduud-beenaadkaa Kenya, ee dhanka gobolka Wajeer, sida laga soo xigtey dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ciidamada Kenya ay soo galeen xaafadda, kadibna ay mar qura toogteen saddexda wiil ee walaalaha ah, oo ahaa caruur. Waxa ay sidoo kale dhaawaceen afar qof oo kale.

Carruunta ay laayeen ciidamada Kenya ayaa xiliga la dilayay waxay la joogeen awoowgood iyo ayeeyadood oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, sida ay goobjoogeyaashu sheegeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ciidamada Kenya ay sidoo dhaawaceen awoowaha iyo ayeeyada oo lagu kala magacaabo Batuulo Maxamuud oo 60 sano jir ah iyo Hilowle Cabdullaahi Nuur oo aan da’idiisa la sheegin balse haram ah.

Hadalsame Media