Weerarka ka Kulleejada Kerch oo u qaab ekaaday xasuuq ka dhacay Maraykanka & eedaysanaha oo la ogaadey + Sawirro & muuqaal

0

(Kerch) 17 Okt 2018 – Weerarkii maanta barqadii ka dhacay Kulleejada farsamada gacanta Kerch ayaa la sheegayaa inay u qaab egtahay xasuuq hadda ka hor ka dhacay Columbine oo Maraykanka ah, taasoo ay 20-kii Abriil, 1999-kii sameeyeen laba wiiil oo lakala yiraahdo Eric Harris iyo Dylan Klebold.

Si u eg weerarkaa Eric Harris iyo Dylan Klebold, wiilka weeraray Kulleejada Kerch oo ka tirsan Crimea, waxaa lagu sheegay Vladislav Roslyakov kaasoo ka mid ahaa ardayda isla jaamacadda uu weeraray, wuxuuna toogasho ku diley 19 arday, halka uu dhaawacay 50 kale kahor intaanu isagu is dilin.

Dhanka kale, Harris iyo Klebold ayaa diley 12 arday iyo hal macallin, iyagoo dhaawacay 21 arday, kaddibna waa is miidaamiyeen.


Waxay subaxdu u bilaabatay si caadi ah, balse waxay wax kastaahi is bedeleen markii uu ninkan qori lasoo dhigtay ee uu deeto rasaas aan aaba yeel lahayn dhan kasta u sayray isagoo bam ku dhex tuuray meel maqaaxi ah oo kulleejada ka tirsan, waxayna ardaydu ku doodayaan inay arkeen hal nin ka badan, balse weli lama caddaynin iyadoo sababta ay ula bateen lagu macneeyay ciidamadii gurmadka ee yimid ee iyaguna xabado furayay, iyo inay jiri karaan dad kale oo baxsaday.


Hadalsame Media