DAAWO: War-Murtiyeed ku saabsan booqashada wasiiradda arrimaha dibadda Ereteria iyo Itoobiya ku yimaadeen Muqdisho

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Demuquraadiga federaalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho October 17, 2018.

Booqashada ayaa qayb ka ah sare u qaadida iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya sedaxda dawladood iyo sii wadadiha hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wasiirrada oo intii ay booqashadooda ku jireen ugu tagay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirradu waxa ay ka wada hadleen horumarinta qodobadii heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika.

Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal.

Iyaga oo ku hadlaya magaca madaxda dawladahooda, wasiirrada arrimaha dibadda Ethiopia iyo Eretria waxa ay dib u xaqijiyeen in ay taageersanyihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladdda federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda.

Wasiirrada arrimaha dibadda waxa ay ammaaneen dadaallada dib u habaynta ee ay wadaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, iyo aaminaaddda ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay ku qabaan hay’adaha dawladda.

Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo jarada dib u soo kabashada qarannimada Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxa ay beesha caalamka ugu baaqeen in ay u midoobaan taageerada dadaalladda dawladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso dib u habaynta loo baahanyahay si loo dhiirri geliyso soo kabasahda waqtiga fog.

Wasiirrada arrrimaha dibadda Eretria iyo Ethiopia ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Iyaga oo dib u xaqiijinaya xushamadda ay u hayaan madax bannaanida, is-dhexgalka gobalka, iiyo isku tiirnaanshada siyaasadeed ee sedaxda dawladood, wasiirradu waxa ay ku celiyeen in ay ka go’antahay ka qayb qaadashada amniga, barqaada iyo xasiloonida gobalka.

Wasiirradu waxa ay ugu dambayn ka mahadceliyeen soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay iyaga iyo wafdi ay hogaaminayeen.

Hadalsame Media