TRUMP:- “Sucuudigu ma ahan dambiile illaa kiiska Wariye Jamaal Khashoggi loo helo cadeymo dhab ah,”

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u difaacay Bortooyadda Sucuudiga isagoona sheegay inaysan habooneyn in Sucuudiga lagu eedeeyo arrimo aan wali cadeymo loo heyn.

Markii uu hadalkaasi sheegayay, waxaa uu u muuqday Donald Trump mid u duurxulayo Sucuudiga oo loo haysto kiiska Wariye Jamaal Khashoggi.

Hadalka Trump ayaa loo fasirtay mid uu ula jeedo dowladda Turkiga oo iyadu sheegtay in baarayaasheeda ay hayaan cadeymo muujinaya in Wariyaha la waayay lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Magaaladda Istanbul.

“Waxay ila tahay inaan marka hore ogaano waxa dhacay, mana ahan inaan kugu tilmaamo dambiile, iyadoon aysan jirin wax cadeyn ah….Taa ma jecli,” ayuu yiri Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka AP

Warka ka soo yeeray Trump waxaa loo qaadan karaa inuu mar kale doonayo inuu difaaco dalka Sucuudiga oo uu kala dhaxeeyo xiriir  wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah.

Hadalsame Media