Maxay dalalka dunidu ugu daateen iibsiga hannaanka daafaca gantaalaha S-400? (Qaybtii 2-aad?)

0
SEVASTOPOL, RUSSIA - JANUARY 13, 2018: S-400 Triumf surface-to-air missile systems of the Russian Southern Military District's missile regiment on combat duty. Sergei Malgavko/TASS (Photo by Sergei MalgavkoTASS via Getty Images)

(Hadalsame) 17 Okt 2018 – CAATSA waxay u ogolaataa in Maraykanku uu ka hor tago sida la yiri shakhsiyaadka, shirkadaha ama waddamada “khalkhalka galiya amniga dunida.” Maraykanku wuxuu isku dayayaa in uu go’doomiyo Ruushka ka dib faragelintii Ukraine? Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in duullimaadyada SU-35 ee uu iibsaday Shiinu iyo S-400 ay ku xad gudbeen CAATSA, toddobaadyo uun ka dib markii ay sheegtay in laga yaabo in Hindiya lagu ciqaabo haddii aanay ka tanaasulin iibsashada hubkan halista ah. Si kastaba ha ahaatee, Hindiya ayaa goor hore bilowday inay soo iibsato hubka uu soo saaro Ruushku.

”India ayaa mudnaanta koowaad siineysa xiriirka Ruushka. Adduunka maanta isbeddelaya, xidhiidhkayagu waxa uu udub dhaxaad u yahay muhiimadda” Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kadib markii ay saxiixeen heshiish ku kacaya 5 bilyan oo dollarka maraykanka ah. Sida laga soo xigtay SIPRI Wezeman, saamaynta Mareykanka, iyada oo loo marayo hanjabaad iyo cunaqabatayn ayaa ah mid aad u hooseeysa, gaar ahaan dalalka sida India iyo Sacuudi Carabiya. ”Cunaqabatayntu ma ahan xalka qura, waxase suurtagal ah saamixid haddii ay tahay danta qaran ee Mareykanka,” ayuu yiri.

“Dhab ahaantii xayiraad lama saari karo dalalka sida Hindiya iyo kuwo kale oo aad muhiim ugu ah iskaashiga militariga iyo siyaasadda ee Maraykanka. Xitaa xayiraadaha xaddidan waxay u badan tahay in ay dalalkaasi aad u ga xanaaqaan – caro waxyeeleyn karta danaha Mareykanka. ” Laakiin xitaa haddii cunaqabateynta dhaqaale aysan suurta gal ahayn, xanaaqa maraykanka waxa ka dhalan kara caqabado siyaasadeed.

“Waxa kale oo jira arrin diblomaasiyadeed, sida heshiiska lagu iibin lahaa tiknoolajiyada xasaasiga ah, taas oo muujinaysa isku dheelitir ballaaran oo ah guul siyaasadeed oo uu ruushku sameeyey, waana sababta Maraykanku u raadinayo in uu go’doomiyo Ruushka ka dib faragelintii Ukraine iyo Syria “Charles Forrester, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca difaaca ee Jane IHS Markit ayaa u sheegay Al Jazeera.

”Waddanka Maraykanka, ganacsigan u ma arko uun helis militari, laakiin wax ay doonayaan in ay xaddidaan ka qaybqaadashada Ruushka ee colaadaha caalamiga ah, iyadoo sidoo kale la carqaladaynayo dhaqalaha badan ee Ruushku ka helo hubka casriga ah, ayay leeyihiin falanqeeyayaashu.

”Maraykanku wuxuu muddaba ka shaqeynayey sidii loo heli lahaa siyaabo lagu xoojiyo jawaabaha diblomaasiyadeed ee aduunka oo dhan gaar ahaanna waddamada ku xad gudba hannaanka qawaaniinta caalamiga ah” “Maraykanku wuxuu ka shaqeynayey sidii loo heli lahaa siyaabo lagu xoojiyo jawaabahooda diblomaasiyadeed ee marxaladda aduunka ee ku wajahan waddamada ku xad gudba nidaamka qawaaniinta caalamiga ah,” ayuu yiri Forrester.

Hadaba maxay tahay sababta Turkiga, Hindiya ama wadan kale oo la macaamula Ruushka, u wajahayo culayska diblumaasiyadeed ee Mareykanka? “Hindiya ma jecla inay wax ka iibsato hal iibiye, oo ay ku tiirsanaato waddan keli ah.

Halka Indiya juqraafi ahaan ku taallo ayaa ku dhiiri gelinaysa in ay Ruushka iyo Maraykanka si is la’eg u la macaamusho oo isku in ka iibsato” ayuu yidhi Brand. “Indiya sidoo kale, waxa ay muddo dheer xiriir dhanka ganacsiga qalabka militari la lahayd Ruushka, sidaas darteed khibrad ayay u leeyihiin qalabkaan.”

Sabab kale ayaa ah in wadaagga tiknoolajiyada milatari, Maraykanku doonayn in uu sameeyo, si ka duwan Ruushka. Ruushku wuxuu diyaar u yahay inuu S-400 u fidiyo qofkasta oo tiknoolajiyada la wadaagto,” Wezeman ayaa sidaas yiri, inkasta oo uu ku daray in aysan caddayn inta uu le’eg yahay wadaaggani. “Inuusan gorodda u laalaadin Maraykanka iyo NATO ayaa muujinaysa in Turkigu gacan buuxda ku hayo maamulkiisa; xabadka ayay u garaacan karaa Maraykanka iyo NATO,” ayuu yiri Wezeman.

Dhamaad…

Waxaa Qoray: Yarno Ritzen-Aljaziira

Waxaa Tarjumey: Idriis Xaaji Campione

U gaar ah

Hadalsame Media