Lucas Paqueta oo kasoo hormaraya waqtigii uu kusoo biiri lahaa AC Milan

0

(Rio de Janeiro) 17 Okt 2018 – Lucas Paqueta ayaa lagusoo warramayaa inuu toos ugu soo duuli doono Talyaaniga marka uu dheelo kulankiisa ugu dambeeya ee horyaalka Brazil, si uu bil ku dhowaad waqti ugu helo la qabsiga Milan.

Flamengo ayaa maanta xaqiijisay in ay qandaraas rasmi ah la saxiixdeen AC Milan oo laaciban ka bixisay €35m iyo bareemiyo dheeraad ah, iyadoo ay jirto inay Real Madrid gadaal kasoo gashay hardanka balse maareeyaha guud ee Flamengo ayaa sheegay inay ixtiraamayaan heshiiska Milan.

Laacibka ayaa caadiyan qandaraaska saxiixi kara Jannaayo 3-deeda, balse sida uu qabo Sky Sport Italia, Paqueta ayaa toos ugusoo duulaya Milano isla marka uu dheelo kulanka ugu dambeeya ee ay Flamengo la leedahay Atletico Paranaense 2-da Diseembar.

Taasi waxay laacibka siinaysaa fursad bil dhan ah oo uu kula qabsado kooxdiisa iyo cimillada Talyaaniga, isla markaana uu ku fahmo taatikada Gennaro Gattuso oo ah ninka arrintan dalbaday iyo laacibiinta kooxda Milan.

Hadalsame Media