DAAWO: WASLADDAA hilibka ah digaagaddii laga keenay weli waa daaqaysaa + Sawirro (Hilibka cun neefkana ha dilin)

0

(San Fransisco, CA) 17 Okt 2018 – Waxaa sii kordhaya abitaytka ay dunidu u hayso hilibka. Haddaba beer digaag oo ku taalla magaalada San Fransisco ayaa xal la yaab leh isku dayday.

Sanaddii 1931-kii, Winston Churchill ayaa saadiyay in aadanuhu uu maalin uun ka kori doono “in digaagad dhan loo xannaaneeyo in hadhoow xabadka ama garabka laga cuno, waxaa wanaagsan in qaybahaa si gaar ah loo koriyo”.

Iminka 87 sanadood kaddib, maalintaasi waa timid, sida ay sameeyeen Just oo ah hay’ad ka ganacsata cuntada fudud oo saldhigata San Francisco ayaa tijaabisay hilib digaag oo laga beeray unugyada baalasha digaagga.

Hilib digaaggan – oo u dhadhamaya sida hilib digaagga caadiga ah – waloow ay nooshahay shimbirtii laga soo qaaday, oo beerta dhinac ka wareegaysa ayaan ahayn mid lagu khaldayo hilibyada kale ee biddaalka u ah hilibka asalka ah ee ay adeegsadaan dadka khudaar cunayaasha ah (vegetarian plant-based burgers).

May, hilibkan waxaa laga dhambalay unugyada caadiga ah ee digaagadda, kaddibna waxaa lagu koriyay shaybaarka, waxayna qaadanaysaa 2 maalmood in lasoo saaro waslad hilib digaag ah (Chicken Nugget), iyadoo la adeegsanayo barotiin dhiirrigelinaya inuu bato oo isa sii dhalo.

Josh Tetrick oo ah Xoghayaha Guud ee Just ayaa sheegay in hilibkan durba laga heli doono menu-ga makhaayado badan dhamaadka sanadkan.

“Waxaannu geedo kasoo saarnay waxyaabo ay ka mid yihiin ukumaha, jallaatada iyo subagga, haatanna hilib unbaannu hilib kasoo saarnay. Uma baahnid inaad xayawaanka disho,” ayuu yiri Tetrick oo BBC la hadlayay.

Hadalsame Media