Wararkii ugu dambeeyay duqeymo iyo dagaalo ka dhacay Gobollada Bay, Jubbada Hoose iyo Shabeellada Dhexe

0

(Muqdisho) 16 Okt 2018 – Howlgal dhanka cirka ah oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Taliska Maraykanka ee Africom aya sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose,islamarkaana lagu dilaya ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab. Ma jiro illo madaxbanaan oo sheegashadaasi xaqiijiyay.

Dhinaca kalena saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay ayaa sheegay in la dilay 8 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ka dhacay deegaankaasi shalay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda ka sheegtay guulo dagaalka ka dhacay Daynuunaay.

Ugu dambeyntii wararka laga helayo Magaaladda Jowhar ayaa sheegaya in xalay dagaal ka dhacay barkoontarool oo ku taalla afaafka dhanka berri ee Magaaladdaasi.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa sababay dhimashada hal askari inta la ogyahay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Hadalsame Media