Sweden oo musaafurinaysa wiil yar oo 6 jir ah (Xaalad murugo leh oo ku hareereeysan!)

0

(Södertälje) 16 Okt 2018 – 9-kii bishii Nofeembar 2017 wuxuu Denis, oo iminka 6 jir ihi, dalbaday iqaamadda lagu degganaado Sweden, isagoo la socda hooyadii oo iyaduna Sweden ku timid xiriirka saaxiibkeed.

Denis wuxuu u dhashay Ukraine sida hooyadii, taasoo maydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla Södertälje oo u dhow Stockholm 10-kii bishii Maarso ee horraantii sanadkan, iyadoo ay booliisku nin u qabteen tuhunka geerideeda, balse ay Emma Olsson oo dacwad ooge ihi ay markii dambe sheegtay inaan caddayn ku filan lagu haynin.

Maanta, Denis wuxuu la deggan yahay waalidka hooyadii, oo Sweden degganaa 6 sanadood, kuwaasoo codsaday in ay wiilka iyagu korsadaan, balse Waaxda Socdaalka Sweden ayaa soo saartay go’aan ah in wiilkaa yar laga musaafurinayo Sweden oo loo dhaadhicinayo Ukraine – tiiyoo uusan qofna ku lahayn – oo uu mudanayo guryaha carruurta lagu hayo.

15-kii Agoosto Midia Soufi oo cunugga gacan ku haysa maamul ahaan ayaa isku dayday inay baajiso in wiilka yar la musaafuriyo balse 11-kii bishan Oktoobar ayuu soo baxay go’aanka ka yimid Waaxda Socdaalka ee Migrationsverket oo ku celisey go’aankii ahaa in loo celiyo dalkiisa.

”Waxay horraanba go’aanka u direen booliiska, aad bay u degdegayaan,” ayay ku calaacashay Midia oo murugaysan oo la hadashay Expressen iyadoo ay saxaafaddu aad u hadal hayso arrintan.

Waxaa kaaga daran, in wiilka yar ee hooyadii dhimatay uu aabihii nool yahay, balse uu diidey inuu la wareego oo mas’uuliyaddiisa qaado, iyadoo ay waalidka hooyadii dhalay oo u diyaar ah inay korsadaan loo diidey oo ay saamayn waayeen go’aanka Migrationsverket.

Hadalsame Media