Soomaaliya oo iska fogeysay in Sacuudiga ay ku garab istaagtay kiiska wariye Jamaal Khashogi.

0

(Muqdisho) 16 Okt 2018 – Wasiirka wasaaradda arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa gaashaanka ku dhuftay oo beeniyay in dowlada Soomaaliya ay Boqortooyada Sucuudiga ku taageertay arrimo la xiriira kiiska wariyaha u dhashay Sucuudiga Carabiya ee la la’yahay Jamaal Khashogi.

Mr. Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya kaliya xoogga saarayso oo ay ka soo horjeedo in cadaadis la saaro dowlada Sucuudiga isagoona faahfaahin ka bixin cida cadaadiska ku haysa Sacuudiga.

Wasiirka ayaa sheegay in sidaas darteed wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay usoo saartay warsaxafaadeed ka ay ku garab istaagayso Sucuudiga, taasina aysan ahayn sida dadka qaar u fasireen.

Taasi micnaheeda ma ahan ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay Sucuudiga ku garab istaagtay kiiska wariyaha u dhashay dalkeeda ee lagu tuhmayo in lagu dhex dilay qunsuliyada boqortoodu ku leedahay Istanbul.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag ugu hanjabay Sacuudiga, waa haddii ay ku cadaato inay ka dambeeyeen dilka Wariye Jamaal Khashogi

Hadalsame Media