”Paqueta waa De Bruyne iyo Luka Modric isku darsan”

0
RIO DE JANEIRO, BRAZIL - MAY 06: Lucas Paqueta of Flamengo celebrates a scored goal against Internacional during a match between Flamengo and Internacional as part of Brasileirao Series A 2018 at Maracana Stadium on May 06, 2018 in Rio de Janeiro, Brazil. (Photo by Buda Mendes/Getty Images)

Macallinka Flamengo ee Dorival Junior ayaa sheegay in laacibka usoo wareegaya AC Milan ee Lucas Paqueta uu ‘aad u shabboho Kevin de Bruyne iyo Luka Modric’.

Paqueta ayaa Milan ugu kacay €35m iyo bareemiyo dheeraad ah, wuxuuna imanayaa bisha Jannaayo, isagoo ah laacib ay baxaalligiisa aad ugu baahnayd kooxdaasi, balse macallinkiisa iyo xitaa Kaka laftiisa ayaa gaashaanka u daruuray wararka taageerayaasha Rossoneri oo ah inuu yahay ‘Ricky Kaka Cusub.’

“Weli anigu isaga si toos ah ulama hadlin, balse wada hadallada waxaa si wanaagsan u maareeyay maamulka kooxda,” ayuu yiri Dorival oo hadlayay kaddib guushii ay Flamengo 3-0 uga badisay Fluminense oo ay isla yihiin reer Rio de Janeiro.

“Waa laacib feejiga, aadna u xiisaynaya waayihiisa cusub. Wuxuu leeyahay wax kasta oo uu taariikh ku samayn karo. Wuxuu aad u shabbahaa De Bruyne iyo Modric marka ay timaaddo caabboonaanta iyo awoodda uu uga qayb qaadan karo weji kasta oo ciyaarta ka mid ah. Waa laacib khad dhexe oo miisaaman.” ayuu raaciyay, iyadoo uu Kaka laftiisa oo u warramay Milan Channel uu soo jeediyay in aan laacibka cidna la barbar dhigin.

Hadalsame Media