DEG DEG: Dalka Venezuela oo gebi ahaanba tuuraya Doollarka Maraykanka!!

0

(Caracas) 16 Okt 2018 – Dalka Venezuela ayaa gebi ahaanba tuuraya lacagta Doollarka Maraykanka wuxuuna bidaalkiisa adeegsan doonaa lacagta Euro-da, sida uu ku dhawaaqay Tareck El Aissami, oo ah Wasiirka Wershadaha iyo wax soo saarka qaranka ee dalkaasi.

Cunaqabataynta ay Washington ku cuuryaamisey Caracas, “ayaa xireya dhamaanba suurtagalnimada inuu dalkaasi Doollar u adeegsado suuqiisa saamiyada,” sida uuq abo El Aissami, isagoo intaa raaciyay in caqabaadka Maraykanku hor dhigayo “ay yihiin kuwo sharci darro ah oo ka dhan xeerka caalamiga ah.” 

“Xayiraadda dhaqaale” ee Venezuela oo saamaysay adeegyada guud ee ay dowladdu siinaysay dadwaynaha dalkaasi aadna u cawaray dhaqaalaha dalkaasi, gaar ahaan dhanka daawada iyo beeraha ayaa muujinaysa “heerka ay gaari karto waallida gumaysiga cusubi,” sida uu qabo Tareck El Aissami oo sidoo kale ah madaxwayne xigeenka qaybta dhaqaalaha dalkaasi.


Hadalsame Media