XOG: Sucuudiga oo weji cusub u yeelaya dilka Jamaal Khashoggi (Fikrad ay hindiseen)

0

(Riyaad) 15 Okt 2018 – Waxaa weli cakiran xaajada weriye Jamaal Khasoggi oo aan dib il loo saarin tan iyo markii uu galay ganjeelka Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Yeelkeede, arrinta ayaa haatan weji cusub qaadanaysa. Saudi Arabia ayaa lagu warramayaa inay diyaar u yihiin inuu ninkaasi gacantooda ku baxay kaddib markii dhanna uga lug bixi waayeen, laakiin xeelad baa ku jirta.

Sucuudiga ayaa doonaya inay yareeyaan sumcad xumada ka raacday khaarajinta Jamal Khashoggi, iyagoo ku doodaya in geeridu aysan ku tala gal ahayn, balse ay ka dhalatay maraanmar ama su’aal waydiin ay ku samaynayeen oo xumaaday, sida uu faafinayo CNN.

Kashoggi oo aad u dhaliili jirey Boqortooyada ayaa bog ku lahaa Washington Post, waxaana dilkiisa lagu tuhmayaa Sucuudiga oo sidoo kale qiran doona inay doonayeen inay xoog ku kaxaystaan oo u afduubaan dhanka Riyaad, taasoo aan u shaqaynin sidii ay u qorsheeyeen.

Al Jazeera ayaa dhanka kale faafisay in baaritaanka Turkiga lagu xaqiijiyay in weriyaha lagu dhex khaarajiyay gudaha Qunsuliyadda deetana la isku dayay in la qariyo.

Hadalsame Media