Maxay dalalka dunidu ugu daateen iibsiga hannaanka daafaca gantaalaha S-400? (Qaybtii 1-aad?)

0
SEVASTOPOL, RUSSIA - JANUARY 13, 2018: S-400 Triumf surface-to-air missile systems of the Russian Southern Military District's missile regiment on combat duty. Sergei Malgavko/TASS (Photo by Sergei MalgavkoTASS via Getty Images)

(Hadalsame) 15 Okt 2018 – Maxay dalalku u danaynayaan inay iibsadaan gantaallada S-400 ee Ruushka? Nidaamka ayaa ah mid loo cusbooneysiiyo S-300, oo Suuriya dhawaan laga iibiyey, waxana lagu wadaa in ay iibsadaan macaamiisha ay ka mid yihiin Indiya iyo Turkiga.

Bishii la soo dhaafay, dhoolatuskii Vostok-2018 ee ka dhacay bariga Saybeeriya ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee militari ee Ruushka muddo 30 sano ah, iyada oo ku dhawaad ​​300,000 oo Ruush, Shiine iyo Mongoliyiin ahi ka qayb qaateen.

Layli ka badan, dhoola tuskani wuxuu ahaa sidoo kale fursado xiriirin dadweyne si ay u soo bandhigaan qalab milatari, oo ah isha labaad ee ugu weyn dakhliga Ruushka saliidda kadib. Intii lagu jiray Vostok-2018, Ruushku wuxuu soo bandhigay gantaal nooca S-400 ah, oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan ee la iibsan karo dhawaanahan.

S-400 waa mid aad u ballaaran oo ah S-300 oo la horumariyey kaas oo dhowaan loo diray Suuriya. Awooddeeda awgeed, wadamo badan oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Sacuudi Carabiya, Turkiga, Hindiya iyo Qatar ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay iibsadaan S-400. Ku dhowaad dawlad kasta oo ku dhawaaqday in ay qorshaynayso iibsiga gantaalladan waxaa xiriirka diblomaasiyadeed oo xumaada ugu goodiyay Maraykanka iyo NATO oo u muujiyey cadaawad.

Khubarro la hadlay Al Jazeera , waxa ay la tahay in werwerka reer halbeedku aanuu ahayn sarraynta S-400 tiknoolaji ahaan, laakiin macaamiisha cusub ee Ruushka ayaan la is la ogolayn. “S-400 waxay ka mid tahay nidaamyada ugu caansan ee difaaca hawada ee la heli karo, marka la eego kuwa reer galbeedka,” ayuu yiri Siemey Wezeman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan machadka cilmibaarista ee Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI).

“Raadaarada iyo dareemayaasha kale, iyo sidoo kale gantaalaheeda ayaa daboolaya aag ballaaran – raadaar ka ayaa leh tiro ugu yaraan 600km oo loogu talagalay ilaalinta, sidoo kale rakaabkeedu wuxuu u dhexeeyaa 400km,” Wezeman ayaa u sheegay Al Jazeera. Faa’iidooyinka kale ayaa ah qaabdhismeedkooda iyo dhaqdhaqaaqooda oo aad u sarreeya, taasoo macnaheedu yahay in la rakibi karo, la tuuri karo isla markaana la dhaqaajin karo daqiiqad gudaheed.

S-400 wuxuu ka mid yahay nidaamka ugu horumarsan ee daafaca hawada, marka loo eego kuwa ugu wanaagsan ee reer galbeedku suuq soo dhigi karaan. “Waxaa loogu talagalay inuu noqdo cabbir ka kooban dhammaan nidaamka gantaallada ah, waxaa loo qaabeyn karaa waqti dheer, heer dhexdhexaad ah iyo hannaan xitaa gaaban oo hubaysan, taas oo ku xiran sida isticmaalaha shakhsi ahaaneed uu rabo in la rakibo S-400, “Kevin Brand, oo ah falanqeeye militari oo la shaqeeya Golaha Xiriirka Dibadda ayaa u sheegay Al Jazeera. Turkey, oo xubin ka ah NATO, ayaa horseed u ah dalalka ugu muhiimsan ee iibsanaya S-400.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii August ee la soo dhaafay sheegay in Ankara isku dayi doonto in ay soo iibsato nidaamkaan gantaallada sida ugu dhakhsaha badan, taas oo sida laga soo xigtay Ruushka noqon doonta sanadka 2019. Laakiin xiisaha Turkiga ee nidaamka gantaalaha ee Ruushka S-400 waxa si ula kac ah u ga hor yimid xulafada NATO, sababo farsamo iyo mid siyaasadeed.

”Teknoolajiyad ahaan, S-400 waxay hubaal noqon doontaa tallaabo horay loo qaaday (Turkiga) laakiin ma ahan danta ugu fiican ee NATO in kubkan casriga ah lagu dhex daro kan NATO oo uu Turkey ka yahay xubin, ” ayuu yiri Brand. S-400 waxay keeni kartaa xaalad khatar ah oo halis ah, ayuu Brand sharaxday. “Marka aad eegto nidaamka Ruushka S-400, gaar ahaan qaabka NATO, waxaa jira miisaan culus marka lagu daro nidaamka difaaca ee weyn,” ayuu u sheegay Al Jazeera.

“Haddii aad u qaadato xaaladda mid aad u cakiran, tan ugu fudud ayaa ah in xogta laga yaabo in aan la isku darin dhismaha difaaca ee hadda ay isticmaalaan NATO, taasina waxay u egtahay dhacdadii ugu xumayd.” NATO waxay si xoog leh ugu tiirsan tahay nidaamyo dhowr ah oo ku wada shaqeeya shabakad ballaaran. “Ku kordhinta S-400 waxay aad u adkeyn kartaa sawirka, waxay kuu diidi kartaa aragtida uu nidaamka weyn uu ku siin lahaa.”

Laakiin, halistu waxa ay tahay , waxaa jira khatarta ah in Ruushku uu leeyahay ujeedooyin qallafsan, ayuu yiri Brand. “Noocee qandaraasyo ah oo la xiriira farsamo yaqaannada Ruushka ee daryeelaya S-400, tusaale ahaan, shaqaalaha dayac-tirka hubka S-400 ee Ruushku ma heli karaan xogta [NATO]? “Kiiska ugu xumi waa in ay jiri karaan dayac-tirayaal s-400 oo Ruush ah lagana yaabo in xogta NATO loo gudbiyo gacan saddexaad.

Hindiya, Sacuudi Carabiya iyo Qatar, oo aan qeyb ka ahayn xulafo sida NATO, in ay iibsadaan nidaam sida S-400 ah waxay horseedi doontaa arrimo yaryar oo tiknoolaji ah, laakiin waxay khatar gelin karaan diblomaasiyadda iyo dhaqaalihii uu bixin jiray Mareykanku. Sanadkii 2017, Mareykanka wuxuu fuliyay Sharciga Xayiraadaha Argagixisada Mareykanka (CAATSA) iyadoo laga jawaabayo faragalinta Ruushka ee doorashadii madaxweynaha Maraykanka 2016 iyo tallaabada militari ee labada dal Ukraine iyo Suuriya.

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Yarno Ritzen-Aljaziira

Waxaa Tarjumey: Idriis Xaaji Campione

U gaar ah….

Hadalsame Media