Madaxnimadu waa XIL u baahan anshax & qiyam (Qiso qooraansi mudan)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2018 – Madaxnimada umaddu waa xil u baahan qofkeedu in uu lahaado heerka u gu sarreeya ee dadnimo hagaagsan. Caddaalad, hawlkarnimo, maskaxfurnaan, xogogaalnimo, xalaal miirasho, daacadnimo, dulqaad, tudhaale… wad inta aad doonto.

Sababta oo ah dhaqankiisu wax uu saamayn ku yeelanayaa idil ahaan umadda uu awoodda ku lee yahay, sidoo kalena dadkaa taariikhdooda wax ay ka ga tagaysaa raad weyn, xumo iyo samo. Taa darteed qofka madaxda ah si ta dadka kale aad u ga duwan ayay dhaqamadaas iyo dabeecadahaasi u ga muuqdaan ama u ga muuqan waayaan.

Beri dhowayd baan idiinka sheekeeyay sida cibrada leh ee aan u ga fekero shakhsiyaad taariikheed oo u sabab ahaa burburka iyo baabba’a dawladnimo qarniyo badan soo jirtay. Dadkaas buu ku mid ahaa ninkii ay ku idlaatay dawladnimadii dheerayd ee Rooma. Waa Nero.

Isaga oo carruur ah ayay hooyadii guursatay boqorkii xilligaas. Dabadeed ninkeeda wax ay ka bariday in uu wiilkeeda Nero aabbe u noqdo, odaygiina wuu yeelay. Garo oo sheegashada aabbannimadu wax ay keensanaysaa xuquuqo ay ka mid tahay yeelashada magaca iyo dhaxalka.

Boqorkii kolkii uu dhintay Nero weli wuu yaraa, sidaa darteed isaga oo caleemasaaran ayay hooyadii in muddo ah xilka sii haysay. Isaguna wax uu ahaa wiil baarri ah oo edeb leh oo waxbarta. Dabadeed isaga oo weli barbaar ah ayuu hooyadii xilkii xoog ka ga qaaday. Dabadeed maalintii uu kursiga fuulay ayuu inankii wanaagsanaa isu rogay bahal dadqal ah. Birta ayuu dhiigga ku caseeyay.

Ummadihii badnaa ee imbaradooriyadda hoos joogay buu xasuuq la dhex galay. Walaalkii buu khaarajiyay iyo saxiibbo badan. Intaa uun ma aha ee hooyadii in doon la saaro oo badda la gu qarqiyo ayuu amray. Kolkii uu in ay ka badbaadday ogaadayna wax uu amray in seef qudha la ga ga jaro. Sidii buu yeelay.

Intaana wax uu ku jiraa tumasho waalli la gu masaali karo. Wax uu dhisay qasriyo lacagta ku baxday aan miyirqab la gu sheegi karin. Si uu waxaas oo lacag ah u helo umaddii buu cashuur aanay qaadi karin ku cusleeyay. Hantiilayaashii buu xoolahoodii boobay qusuurtoodiina xaraashay.

Dabadeed sida Ibleyska loo naco ayaa loo nacay. Toban afgembi oo la is ku dayay wuu ka badbaaday, durdurro dhiig ah in uu rogo ayuuna ka ga jawaabay. Roma oo ahayd caasimaddii dunidu waa ay gubatay oo shuf beeshay, taariikhduna wax ay weligeed qabtay in uu isagu ogaan u gubay si uu magaalo kale u ga dul dhiso.

14 xaafadood bay ahayd oo 10 baa dambaska noqday. Isaguna inta uu meel kore fuulay buu daawaday waxa meeshaa dad iyo duunyo ku halaagsamaya. Hadhowna wax uu eedda saaray oo birta ka aslay dadkii haystay Diinta Masiixiga oo markaa cusbayd.

Aakhirkii umaddii baa u tashatay geeri ama nolol ninkaa in la is ka qabto. Goortii uu talo ka quustay wuu baxsaday, magaalada debeddeeda ayaa se la gu hareereeyay. Dabadeed wuu is dilay. Halkaasna waxaa ku idlaatay dawladdii cimriga dheerayd ee Rooma casrigiisa. Waxaas oo dhamina wax ay dhaceen afar iyo toban sano oo keliya, sannadkii 54 ilaa 68 Miilaaddiga.

Akhlaaqdu xukunka waa u muhiim, nolosha umadda iyo taariikhdeedaba.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media